Idalenews:-
Shir loogaga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa arrimaha garsoorka dalka Soomaaliya oo ay habacsanaan ka muuqato ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah.
Shirkan oo lagu qabtey xarunta maxkamadda Sare waxaana ka soo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Garyaqaanka guud ee dowlada iyo Saraakiil ka socotey booliska ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in maxaabiista ku jirta xabsiyada si deg-deg ah maxkamadaha loo geeyo.
Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood dheer ka diba waxaa laga soo saaray qoddobo muhiim u ah garsoorka iyo cadaalada dalka.
Qoddobada shirkan laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah;
In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.
In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.
Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka.
Go’aamada laga soo saaray shirkan ayaa waxa ay yihiin kuwo dardargelinaya garsoorka dalka oo habacsanaan lagu dhaliilo.
Waxaa ku xiran xabsiyo kala gedisan oo dalka ka mid ah dad loo haysto dambiyo kala gedisan hase yeeshee aan wax maxkamad ah la soo taagin,sidoo kale waxaa jira dad loo xukumay dacwado ay geysteen maxkamadaha balse aan la fulin xukunadaas.