Port-au-Prince(INO)- Dhimasho iyo dhaawac loo geystay ilaalada xabsi ku yaal dalkaasi Haiti ayaa ka dhashay kaddib markii maxaabiis ay weerareen ilaalada ayna ka qaateen hubkii ay wateen, oodana iska qaaday.
Dhacdadan oo ka dhacday gobolka Arcahaie oo qiyaastii shan mile dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, sida uu sheegay garsoore Henry Claude Louis-Jean.
Maxaabiista baxsatay ayaa lagu sheegay 186, waxaana iyana khasaaraha ilaalada xabsiga lagu sheegay hal dhimasho iyo tabaneeyo dhaawac ah.
Dowladda ayaa sheegtay in maxaabiistu la baxsadeen qoryihii ilaalada, sidaa darteedna ay xabado isweydaarsadeen booliska.
Dhacdadan ayaa timid kaddib markii maxaabiis badan halmar qubeys loo sii daayay, waxaana ay iminka boolisku ka codsanayaan shacabka in ay feejignaadaan, shacabkana la shaqeeyaan.
Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi ayaa muwaadiniinteeda uga digtay arrintaasi