Top News: Maxaabiis 4 Sano Xirneyd Oo Lasoo Daayey Hadan Dib Loo Xirey Magaalada Baydhabo

0
242

Baydhabo(INO)-15 Qof oo 4 sano ku xirneyd Magaalada Baydhabo Xabsi ku yaala ayaa kadib Markii uu dhamaadey Xukunkooda laga soo daayey Xabsiga dhexe ee degmada baydhabo , isla Goobtii laga soo daayey ayaa waxaa kaxeystey Mahad Cabdiraxmaan oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Baydhabo isagoo Mar labaad u taxaabey Saldhiga degmada Baydhabo .

Ehalada dadka Maxaabiista ayaa waxay Maanta u sheegeen warbaahinta Idale News Online  ee Degamada Baydhabo , in Maamul uusan kajirin Baydhabo ay ka jirto awood maquunin , taasoo loo geysto Shacabka kusugan Magaalada Baydhabo. 
 
Maxaabiista ayaa waxay ahaayeen kuwa lagu soo eedeeyey inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab iyagoo uu horey u xukumey Gudoomiyahii hore ee Maxakamada Ciidamada Soomaaliya Generaal Muungaab , waxaan kasoo wareegatey Muddo afar sano .
Maxaabiista ayaa ka muuqatey Rafaad iyo Macaluul iyagoo sheeganaya in lagu xadgudbey sharciga , baydhabana aysan laheyn Masuuliyiin aqoon leh kuwaasoo ku kacay wax rabaan .
 
Mar wax laga weydiiyey Taliyaha xabsiga Dhexe ee Gobalka Bay Koleneel Dhiiga Birig ayaa dhinaciisa diiday inay Mar labaad lasoo celiyo Maxaabiis waqtigooda Dhamaadey , waxuuna tilmaamey in lagu xadgudbey Maxaabiistaas lagu xirey Saldhiga weyn ee degmada Baydhabo
 
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here