Maxaa kala soctaa qaabka loo kala qeybsanayo xubnaha cusub ee barlamanka maamulka Juba

0
221

Kismaayo(INO)-Magaalada Kismaayo waxaa ka socda barnaamijkii xulista xildhibaanada Jubaland.Waxaa maanta shir wacyi gelin ah loo qabtay oday dhaqameedyada soo xulaya xildhibaanda Jubaland.Oday dhaqameedyadan ayaa waxaa laga rabaa in boos kasta ay usoo xulaan sadax qof oo ay midi dumar tahay.

Tusaale afarta kursi ee degmada Afmadow waxaa la rabaa in oday dhaqameedku uu soo xulo 12 ruux kuwaas oo magacyadooda loo gudbinayo gudiga farsamada oo hubinaya buuxinta shuruudaha looga baahan yahay qofka kamid noqonaya Baarlamaanka Jubaland.

Guud ahaan tirada guud ee baarlamaanka Jubaland waa 75 xildhibaan.24 xildhibaan oo ka imaanaysa gobolka Gedo,25 ka imaanaysa gobolka Jubada Hoose,16 ka imaanaysa gobolka Jubada dhexe iyo 10 ku imaanaysa magacaabista madaxweynaha Jubaland.

Waxa hada dhiman waa odayaasha oo maalmahan soo gudbiya magacyada xildhibaanada waxaana la filayaa in barnaamijkan muda aan sidaas usii fogayn la soo afmeero.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here