Muqdisho(INO)— Shirka Madasha wada tashiga qaran ee hogaamiyeyaasha uga socday magaalada Muqdisho, kaasoo galay maalintiisa labaad ayaa maanta dib u dhac ku yimid in la soo gaba gabeeyo, kadib markii gelinkii hore maanta aanu dhicin kulamo.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in la filayo in maalinta berri la soo gaba gabeyn doono, lagana soo saari doono war murtiyeed, hase ahaatee sababihii aanu maanta kulamadii la filayay u qabsoomin ayaa lagu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh dastuuriyan uu furayay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka oo haatan afar bil u harsan.
Wararka ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Hogaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay caawa illaa berri gelinka hore ay sii ambaqaadi doonaan kulamadooda, inkastoo ay muuqato kala aragti duwanaan.
Shirkan ayaa waxaa hor-yaala saddex ajande oo kala ah dhaqan gelinta qaabka doorashada u dhici doonto iyo qaababka loo soo xuli doono labada aqal ee Baarlamaanka, arrimaha dastuurka qabyada iyo ammaanka qaranka, saddexdan qodobo ayaa ah kuwo aad uga doodayeen Madaxdu.
Marka laga hadlayo qodobka dhaqan gelinta qaabka doorasho ayaa ah mid ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxda, waxaana la ogeyn sida la isugu raaci doono qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka soo socoda, caqabada ugu weyn ee jirtana ayaa ah in Xildhibaanada cusub ay soo xulayaan odayaasha iyo inay talo ku yeelan doonaan Madaxda ama waxaa jiri doonaa cid soo dooraneysa.
Arrimaha la hadal haayo ayaa ah in 50 xubnood ay soo xuli doonaan Xildhibaan walba, kadibna Madaxda ay meel mariyaan.
Sidoo kale arrinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah heshiiskii Garowe ee u muuqda mid Puntland awood gaar ah uu siinayay doorashada, waxaana jirta in maamulada kale ay saluugsan yihiin heshiiskaas, isla markaana ay doonayaan inay iyagana ay yeeshaan awood la mid ah tan Puntland
Lama oga sida ay Madaxda Soomaalida isugu raaci doonaan qodobadan, waxaase wax lala yaabo noqon doonin hadii lagu heshiin waayo qodobada qaar, maadaama horay u dhacday inta qodobo lagu heshiin waayay inay hadana soo fara geliyaan Xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasoo aakhirkii suura geliya in la gaaro go’aan kama dambeys ah.
Idale News Online, Muqdisho