Daawo: Maxaa Ka Socoda Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo?

0
325

Doolow(INO)-Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba ayaa ka bilaabatay degmada Doolow ee gobalka Gedo, halkaasi oo shalay ay gaareen wafdi ka socday maamukaasi.

fartaag

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulkaasi Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiiro iyo afhayeenka maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar ayaa ka mid ahaa xubnihii shalay lagu soo dhaweeyay degmada Doolow, waxaana ay sheegeen uljeedka ay halkaasi u tageen.

Halkan Ka Daawo.

Jeneraal Fartaag oo meel fagaare ah kula hadlay shacab badan ayaa sheegay in ay bilaabatay soo xulista xildhibaanada baarlamanaanka ee maamulka Jubba, lagana soo kala xulayo xildhibaanada dhammaan degmooyinka Gedo.

“Waxaa bilawday soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubba, halkaan wada tashiyo ayaan u imaadnay iyo in lasoo xulo xildhibaanada, Doolow kaliya ma ahan, degmooyin badan waxgarad ka socda ayaa halkaan ku sugan, waxaana rajeyneynaa in xildhibaanada xulistooda ay inoo fududaato” ayuu yiri Fartaag.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa wada sidii lagu soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi, ka dib markii dhawaan magaalada Kismaayo laga furay shirka xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubba.

Idale News Online, Doolow, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here