Maxaa Ka Jiraa In Maamulka Gobolka Bay Uu Ka Qaatey Cusbitaalka Baydhabo Janaay 20 Kartoon Oo Daawo Ah?!

0
201

Baydhabo(INO)-Maamulka Gobolka Bay, ayaa la soo sheegayaa in xaley ay ka qaateen Cusbitaalka weyn ee degmada Baydhabo 20 kartoon oo Daawo ah kuwaasoo u dhigma aduun gaareyo $1800USD, xilli cubitaalka Guud ee magaaladaasi ay yaalaan tiro dad ah oo ku soo dhaawacmey qaraxyadii maalintii jimcihii ee la soo dhaafey iyo weliba bukaano kale oo kala gedisan.
topsecret

Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow ayaa la sheegey in loo qaadey Xafiiskisa 20 kartoon oo daawo ah taasoo dhalin karto is qabqabsi cusub oo ka dhex dilaacdo maamulka Gobolka Bay iyo Hayadaha keena daawooyinka.

Xariiro iyo xog aruurin ay sameysey shabakada Idale News Online, ayaan weli helin xog dhab ah oo arintasi xaqiijin karto walow warbaahinta qaar ay tabinayaan jiritaanka arintaasi.

Agaasimaha cusbitaalka Baydhabo Janaay ayaa waxa uu dhawaan sheegey Xilli uu booqasho ku tageyey cusbitaalka madaxweynaha Maamulka 3da Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan in cusbitaalka aan yaalin daawo ku filan oo lagu dabiibo dhaawacyada weli ku jiro cusbitaal magaalada Baydhabo.

Sidoo kale ilaa iyo haatan masuuliyiinta maamulka Gobolka Bay, cid ka hashey ma jirto wax yaabaha lagu eedeynayo.

Ugu dambeyntii, cusbitaalka Guud Ee Degmada Baydhabo waxaa gacanta ku haysa Hayada Coope taasoo bixiso mushahaarooyinka shaqaalaha iyo daawooyinka.

Idale News Online, Baydhabo.