Maxaa ka jira in Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya, Kamaal Guutaale Xilkii laga Qaadey!!

0
312

Warar aan si rasmi ah u soo shaac bixin ayaa sheegaaya in Kamaal Guutaale, Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya, xilkii laga qaadey isagoo dhowaan ay xildhibaano gaaraayo 110 xildhibaan ka gudbiyeen ashtako la xiriirta gacantii uu ku lahaa is hortaagga shir xildhibaanadaasi ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo kaashaneysa hay’ada amniga qaranka sida booliiska iyo Nabad sugida Qaranka oo baaris ku sameeyey cidda laheyd amarka in la joojiyo qadada iyo kulanka ay xildhibaanadu yeelan lahaayeen ayaa ugu dambeyntii lagu ogaadey in Kamaal Guutaale uu kaligiis qaatey go’aanka lagu hor istaagaayo mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Fanax oo ka mid ah xildhibaanadaii Baarlamaanka Soomaaliya ee saxaafada la hadley ayaa iyagu si toos ah ugu eedeeyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka shaqeysa xafiiskiisa oo uusan carabaabin xildhibaanku magacyadooda in lahaayeen amarka dambigaas lagula kacey xildhibaanada.

Xildhibaanka Cabdi Barre Yuusuf  ayaa yiri “Waxaa cadaatay in shirkii xildhibaanada laga hor istaagay uu ahaa amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha, waxaan idiin sheegayaa inaan la xisaabtami doono Madaxtooyada iyo ciddii laheyd amarka lagu joojiyey kulankii qadada ahaa ee ay yeelan lahaayeen 110-ka Xildhibaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo sidoo kale yiri “Ciddii xafiiska Madaxweynaha amarkaas ka soo bixisay in Baarlamaanka la horkeeno ayaa muhiim ah, sida la ogyahay sharciga ayaa la jebiyey xoriyatul qowlkii ayaa la jebiyey sidoo kale, 110-xildhibaan oo kulmaya in kulankooda la hor istago ciyaar ma aha, haddaan wax laga qaban arrinkaasi taasi micnaheedu waxa uu noqonayaa Baarlamaan ma jiro”.

Hadalka ka soo yeeray xildhibaankan ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugida dowladda Soomaaliya Gen. Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho uu sheegay inaysan wax lug ah ku laheyn is hortaagaasi, wuxuuna beeniyey inaysan in ciidamada nabadsugida ay is hortaageen shirkii Xildhibaanada ay yeelan lahaayeen, isagoo xusay in siyaasadda hay’adda Nabadsugidda qaranka ay tahay ilaalinta karaamada iyo ammaanka mas’uuliyiinta qaranka, wax shaqo ahna aysan ku laheyn ishortaagaasi.

Haddaba waa kuma Kamaal Guutaale, maxayse aheyd awoodda keentey inuu talaabo sharciga ka baxsan qaado yaase la ogaa arrinta Kamaal Guutaale hadda lagu haysto:

Sida ku cad sawirka kore  Kamaal Guutaale oo dhex socda labada mas’uul ee madaxtooyada ugu sareeya, madaxweynaha iyo wasiiru dowlada madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir shirkii London hoteel ku yaala, ayaa waxaa la sheegey in uu ahaa shaqsiyad awood badan oo inta badan lahaa go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha maamulka madaxtooyada ee heerkiisa ah.

Waxay u egtahay in uu hadda si rasmi ah dhexda oga baxay, ayna adkaan doonto in aad ku dhex aragtaan labadan mas’uul dhexdooda wixii hadda ka dambeeya.

Magacaabista Guutaale ee agaasimaha madaxtooyada waxa ay ahayd eedeymihii koowaad ee uu madaxweyne Xassan Sheekh wajahan maalmo uun kadib markii uu xilka yimid, waxaana lagu heystey in uu xilkan sare u magacaabay nin da’yar oo aanan khibrad wanaagsan lahayn.

Lama oga sababta Guutaale xilka looga direy, laakiin waxaa jirta in uusan kaligiis ahayn, ayna jiraan mas’uuliyiin kale oo madaxtooyada ka tirsan oo xilka laga qaaday.

Sawirka kale ee hoos ka muuqda waa Kamaal Guutaale oo xeebta Liido la fadhiya koox dhalinyaro ah oo maamula xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, waxayna isku magacaabeen Badbaado 2, waxaana lagu amaanay in tamartooda dhalinyaranimo yo aqoontooda sare ay kaalin weyn ka ciyaartey shaqada daalka badan ee labadan xafiis oo ay tahay in qof kasta la qanciyo.

Idale News Muqdisho