Baydhabo (INO) – Masuuliyiin ka socota Maxakamada ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaal ayaa maanta gaarey magaada Baydhabo. Wafdigaan uu hogaaminaayo gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya Liibaan Cali Yarow ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo, waxaana garoonka magaalada ku soo dhoweeyey masuuliyiinta amniga dowladda Koonfur Galbeed, taliyaasha ciidamada dowlada Federaaliga ah ee Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Soo dhoweyntaasi ka dib waxaa Taliyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada iyo wafdigiisa loo galbiyey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.






Gudoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo warfidiyeenada la hadley ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedka safarkooda magaalada Baydhabo, waxuuna yiri “Waxaan magaalada Baydhaba u imid dhageysiga dacwado loo hayso xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale in aanu dib u eegno xukuno maxakamadu horey u riday oo rafcaan laga qaatay” Mr Shuute ayaa sidoo kalena sheegay in maxakamada darajada 1aad dhageysan doonto dacawado kale oo la xariira xubno ka tirsan Ciidanka qalabka-sida ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo lala xariirinaayo Al-Shabaabnimo.
Masuuliyiintan ka socday Maxakamada ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ee maanta soo gaarey magaalada Baydhabo uuna hogaaminaayey Gudoomiyaha maxakamada Sare ciidamada Qalabka-ida ee Soomaaliya Korneel Liibaan Cali yaroow, waxaana sidoo kale ka qeyb ahaa Gudoomiyaha darjada 1aad ee Ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya Korneel Xasan Cali Nuur Shuute, taliyaal ciidan iyo xeer ilaaliyeyaal maxkamada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Idale News ONline. Baydhaba.