Mas’uuliyiinta iyo Kooxdii Amaanka u Qaabilsanaa Hotel-ka Central oo la Xiray

0
257

Muqdisho (INO) – Mas’uuliyiinta Hotel ay Shalay Weerarro ka dhaceen iyo Kooxdii Amaanka u Qaabilsaneyd ayaa Xabsiga la dhigay ka Gadaal markii sida la sheegay ay Fududeeyeen Weerarka ay dadka Badan ku dhinteen.

Teaser Image Mas’uuliyiinta iyo Kooxdii Amaanka u Qaabilsanaa Hotel-ka Central oo la Xiray “Dhegeyso”

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Xabsiga u Raaridday Xubno gaaray ilaa 12 qof oo Mas’uuliyiintii Hotel-ka iyo Saraakiishii Amaanka Hotel-kaas qaabilsanaaba.

Xubno Muhiim ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii Dekadaha ee Xukuumadda Cusub ayaa la sheegay in uu Dhaawac halis ah kasoo Gaaray Weerarka sidoo kalena ay ku dhinteen Xubno Muhiim ah oo ay Xildhibaano iyo Saraakiil Dowladda ka Tirsanaaba ku dhinteen.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Maxamed Cumar Carte ayaa Dhaawac uu kasoo Gaaray Weerarkaas oo ay Kooxda Al-shabaab sheegatay Mas’uuliyaddiisa.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here