Mas’uuliyiin Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Si Ba’an Loo Weerarey

0
494

Marka ( INO)-Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay dhibaatada ka dhaceysa Magaaladaasi Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in Bandow lagu soo rogay Magaalada Marka ay ka dambeeyaan masuuliyiin  ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dano siyaasadeed ay ka leeyihiin.

“ Maxay Baraawe Bambo uga dhici weysay, Maxay Afgooye uga dhici weysay , Maxay Qoryooleey uga dhici weysay” sidaas waxaa yiri Maxamed Cismaan Yariisow.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ayaa sheegay in Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xeryaha AMISOM ee Magaalada Marka degan ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Magaalada Marka.

Shalay ayey ahayd markii shacab fara badan ay ka barakaceen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kadib Amni darrida ku baahday Magaaladaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay