Baydhabo (INO); Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah xadhiga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.
Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya, ha ahaadeen ciidamada
qalabka sida iyo in alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo dhulka Puntland.
Xadhiga jarka Masaajidka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumey, Masuuliyiin katirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, culimo iyo wax garadka kale.
Madaxweynaha Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan kawarhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu Madaxweyuhu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.
‘’Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saran tahay, ujeedada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha madaxtooyada ku jirta, markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle u waydiiyey ummadiisa inuu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele raxmadiisa.
Idale News Online,