Magaalada Garoowe Caasimada Puntland ayaa waxay la ciir ciireysaa dad aad u farabadan, Siyaasiyiin iyo weliba wafuud kala duwan oo doonaya in ay korjooge ka noqdaan doorashada Puntland .
Saacadihi la soo dhaafay magaalada Garoowe waxa ay aheyd meel ay si aad ah ugu qul qulayaan dad aad u farabadan oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolada Puntland, wadamada Qurbaha iyo weliba dowladaha iyo Maamulada deriska iyo Saaxiibka la ah Puntland.
Waxaa iyana dhankooda dhaq dhaqaaqyo balaaran sameynaya musharaxiinta labaatanka kor u dhaafaya ee u taagan labada Kursi ee ugu sareeya Puntland.
Musharaxiintaas ayaa waxa ay wadaan xod xodasho balaaran oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan codadka xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka si ay ugu soobaxaan doorashada madaxweyne nimo ee dhaceysa 8da Janaayo.
Hoteelada iyo guryaha ay ka degen yihiin musharaxiinta Magaalada Garoowe ayaa ah mushquul aad u balaaran, waxaana iskaga daba dhacaya xafladaha iyo casuumaadyada ay sameynayaan musharaxiinta kuwaas oo ay ka dhex muuqdaan xildhibaanada cusub.
Amaanka dhankiisa ahaa ah mid aad loo adkeynayo oo ciidan farabadan lagu daadiyay magaalada baaritaano xoogan oo amaanka lagus ameynayana ka wada meel kasta oo magaala ka mid ah.
Maalinta Sabtida ah ee ay maanta naga xigto ayaa lagu balay in la isugu yimaado doorashada ugu horeysa taas oo uu ku soo bixi doono gudoomiye Baarlaman oo 5ta sano ee soo socota maamuli doona baarlamanka.
dadka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland ayaa si toos ah isha ugu haya magaalada Garoowe iyagoo eegaya waxyaabaha ka soo baxa doorashooyinka soo socda ee dhici doona.
Markasta isha ku hay Allsomalia.com wararka Puntland iyo waxyaabihii ku soo kordha
Idale News Onlline, Garowe.