Muqdisho: Marxuum Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo lagu aasay

0
232

Idalenews:Waxaa maanta dalka la keenay meydka marxuum Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo ka tirsanaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah, kaasoo dhowaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Milano ee dalka Talyaaniga oo daweyn loogu qaaday ka dib xanuuno soo wajahay.

Meydka marxuumka oo maanta laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaas kaga hortagay, ma’suuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada Somalia, dhaqaatiir, siyaasiyiin iyo xubno kale oo fara badan.

Dhamaan xubnahan oo wejiyadooda ay ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo ayaa waxay geerida marxuumka uga tacsiyadeeyeen ehelada marxuumka gaar ahaan walaalihiis Ruqiya Jaamac Salaad iyo C/llaahi Jaamac Salaad, iyagoo sidoo kale halkaas kula tukaday meydka marxuumka Salaada Janaasada, waxayna intaas ka dib u duceeyeen marxuumka oo ILAAHAY ay uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xubnaha meydka marxuumka kaga hortegay garoonka Aadan cadde waxaa ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Somalia, Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur, Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle, Senator Prof. C/risaaq Jurille, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Shukri Aadan Camey, Senator Faadumo Xasan, Senator Saciido Karwal, Agaasime ku-xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Somalia Shiine Xaaji Bashiir, Marwo Xaawo oo ah Marwadii madaxweynihii geeriyooday ee Somalia marxuum C/llaahi Yuusuf, agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka C/llaahi Xaashi, Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, danjiraha Somalia u fadhiya Algeria Sh. C/wahaab Macalin Muxumed, Siyaasiyiin uu ka mid ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Morgan), Prof. Sabtiye, Dr. Axmed Xareed Maxamed Marwo Safiya C/llaahi, iyo xubno kale, iyadoo meydka marxuumka loo duuliyey magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu aasayo isla maanta.

Senator/Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo aan wax ka weydiinay Taariikhda marxuumka ayaa sheegay in Dr. Maxamed Jaamac Salaad uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii wax ku soo baratay, kana soo shaqeeyey dalka Talyaaniga, isagoo markii uu dalka ku soo laabtay Macalin ka noqday Jaamacadii hore ee Ummadda, wuxuuna xusay inuu ku taqasusay cudurada iyo qaliinka Neerfaha (Neuro-Surgery) oo uu tilmaamay inuu ahaa dhaqtarkii ugu horreeyey ee taqasuskaas soo qaatay Soomaaliya.

“Inaa lilaahi wa-inaa ileyhi Raajicuun geerida Dr. Max’ed Jaamac Salaad waxay nagu noqotay mid naxdin leh Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dhaqaatiirta aan dalka ka bixin xiliyadii dagaalada sokeeye, isagoo Isbitaal weyn iyo jaamacad ka furay magaalada Gaalkacyo, wuxuu ahaa nin daweyntiisa looga iman jiray meelo fog fog, naxariis badan, dabeecad wanaagsan, shacabkiisana u soo qabtay waxyaabo aan la iloobi Karin, haddii aan nahay bahda dhaqaatiirta Soomaaliyeed geerida waan ka tacsiyadeynaynaa ILAAHAY janadii ha ka waraabiyo eheladii iyo umadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ha ka siiyo aamiin” ayuu yiri Prof. Dufle.