Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu dhinac aasey Madaxweynihii Koowaad ee Somalia Aadan C/le Cismaan

0
215

Meydka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay deegaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Muqdisho, halkaasoo 7-dii bishii June ee sanadkii 2007-dii lagu aasay Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Aaska qaran ee loo sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa u dhacay si heer sare ah u dhacday, iyo hab maamuuska loo sameeyay, iyadoo markii saakay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho naxashka lagu siday meydkiisa la huwiyay calanka Soomaaliya.

Meydkiisa oo laga soo qaaday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa waday cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka oo si garba siman u waday, waxaana kooxda baambeyda ay garaacayeen muusik tiiraanyo ah.

Madaxda ugu sareysa dowladda, madaxda maamul goboleedyada, mas’uuliyiin, saraakiil iyo isimo, odayaal dhaqameed iyo dadweyne kale ayaa salaadii janaaso waxay kula dukadeen Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo laga gelbiyay.

Gawaari fara badan ayaa is qabsatay mid Masaajidka Isbaheysiga ilaa halkii lagu aasayay ee duleedka waqooyiga Muqdisho, iyadoo ammaanka ahaa mid aad loo adkeeyay, isla markaana ciidamada dowladda ay xireen wadooyinka.

Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’iisul wasaarihii labaad ee soo maray Soomaaliya ayaa la sheegay inuu dalbaday in lagu dhinac aaso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan cabdule Cusmaan (Aadan Cadde).

Eheleda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlayay halka lagu aasay ayaa uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya, iyo dhinacyadii ka qeyb qaadatay munaasabada aaskiisa ee suura gelisay in dalkiisa hooyo lagu aaso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay aaska kadib ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin tacsi ah, isagoo ku amaanay Ra’iisul wasaarihii hore doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo xornimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxaan EEBBE u baryeynaa mid ka mid ah geesiyaasheena. Cabdirisak Xaaji Xuseen waxuu ahaa nin aad noogu weyn oo waddani ah. Waxuuna tusaale u yahay Soomaalida oo dhan una baahan in lagu daydo si aan dalka dib ugu dhisno. Haddii ay jirto cashar aan ka baran karno waxaa noqoneysa sida uu ugu dadaali jirey midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan shaki iiga jirin haddii aan gacmaha is wada qabsano inaan wax badan oo guulo ah aan gaari karno. Waana inaan midownaa oo aan ka gudubnaa sanooyin badan oo khilaaf ah.”

“Cabdirisaak waxuu ahaa shaqsi u istaagay cirib tirka musuqmaasuqa, maamul wanaag iyo inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, tanoo noo wada aheyd mid aan tusaale ka dhigan karno oo aan ku dayankarno dadaalkii uu sameeyey. Waana inaan ku wada xasuusanaaoo uu tusaale noo wada noqdaa. Bacdamaa uu geeriyooday, laakin taariikhdiisii fiicneyd wey nala joogtaa oo ma hilmaameyno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa sanadihii 1964-1967 ahaa Ra’iisul Wasaarihii labaad ee soo mara Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu soo noqday Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyn aaska qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa ku soo gaba gabowday jawi wanaagsan, iyadoo ammaanka uu ahaa mid aad loo sugay, isla markaana umada soomaaliyeed ee ka yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ka qeyb galeen.