Marko oo ku dhowaad 5 Bilood Maamul La’aan ah

0
168

Marko (INO) – Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay Magaalada Marko ilaa Hadda tahay mid aan Heysan Maamul Muddo dheer, Kedib Markii uu Gudoomiyihii Magaaladaas ka mid Noqday Maleyshiyaadka ku dagaalamaya Gobolkaas.

Teaser Image Marko oo ku dhowaad 5 Bilood Maamul La’aan ah “Dhegeyso”

Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in ay Maamulka Gobolku hadda isku Howlayaan sidii ay Maamul ugu Sameyn lahaayeen Xarunta Gobolka, taasoo Afartii Bilood ee lasoo dhaafay aan lahayn Gudoomiye.

Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka Dhanka Amaanka ee Gobolka ayaa shaaca ka qaaday in aysan Suuragal ahayn in Magaalada Marka ay sii ahaato Maamul La’aan, sidoo kale Maamulka ayaa isku Deyaya in Amaanka Wadooyinka oo Maalmihii dambe Xumaa la Hagaajiyo.

Dhanka Wadooyinka ayuu Maamulku Hadalkiisa ku daray in lagu Guuleystay in Qeybo Badan oo ka mid ah laga qaado Isbaarooyin yaallay oo dadka iyo Gaadiidka lagu Furan Jiray, hase ahaatee Weli waxaa Taagan Cabashada Gaadiidleyda iyo dadka ku Safra Gobolka.

Magaalada Marka Maamul la’aanteeda ayaa suuragal laga dhigi Karaa in ay Qeyb ka tahay in Ciidamada AMISOM Xad Gudubyo aan loo Raad Raacin ay Magaalada ka sameeyaan kuwaa oo ay ugu dambeeyreen Duqeyn ay Xilli Habeen ah Magaalada ku Garaaceen oo ay ku dhinteen ilaa 6 qof oo Shacab u Badnaa.

Idale News  Online – Marka