Ciidamada Bada Dalka Talyaaniga ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen tira tahriibayaal ah oo Soomaaliya kuwaas oo doonayay in ay u sii gudbaan Dalka Talyaaniga iyaga oo ka soo socdaalay dalka Liibiya.
Tahriibayaashaan oo la sheegya in ay la socdeen doono ka samaysan Waxyaabo la buufiyay sida ay sheegeen Ciidamada Bada ayaa laga soo bad baadiyay meel dhoor meel u jirta Jasiirada Malta .
Marakab ay layahiin Ciidamada ilaalada Bada Dalka talyaaniga ayaa soo bad baadiyaya dadakaan tahriibta aha kuwaas oo la sheegay in ay gaarayeen 87 ruux sida u sheegay sargaal ciidamada talyaaniga ka tirsan AFP.
Dadkaan ayaa doontaa ka soo qaaday Dalka liibiya waxana la sheegqay in laba maalmood ay bada ku soo jireen hayeeshee ay doonta ka halaowday waxana la kulmay Markabakaan.
Dadkaan ayay gayeen Ciidamada bada Talyaaniga Jasiirada Lamabaduusa haalkaa oo la sheegay in gurmad loogu sameeyay .
Jasiiradha Malta iyo lamabaduusa ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan tahriibayaal ah oo ka soo musaafuray Dalalka Africa kuwaas oo magangalya doon ah.
Idale News Muqdisho