Washington (INO)—Wasaarada Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa xaqiisay in Duqeyn Diyaaradahooda ay ka fuliyeen Degaanka Tooratooroow ee Gobolka Sh.Hoose ay ku Dileen Hogaamaiye sare oo ka tirsan Al Shabaab.
Hogaamiyahan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Dhoore ayaa la aaminsan yahay in uu door weyn ka qaatay Weeraro Xoogan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen labadii Sanno ee u dambeysay Magaalada Muqdisho.
Hogaamiye Dhoore ayaa ahaa Madaxii Amniyaadka ee Xarakada Al Shabaab, waxaana sidoo kale la sheegayaa in uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Al Qaeda.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Peter Cook, ayaa sheegay in Dhoore uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Ciidamada AMISOM ee ku dhex taalla Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Weerarkaasi oo ka dhacay 2014-kii ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay Mareykanka iyo 3 Askar ka mid aheyd kuwa AMISOM.
Hogaamiye Dhoore ayaa sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu kaalin weyn ka qaatay Weerar kale oo Sanaddii la soo dhaafay ay mas’uuliyadiisu sheegteen Al Shabaab oo lagu qaaday Hoteelka Maka Al Mukarama, waxaana ku dhintay ugu yaraan 24 Ruux.
Bishii la soo dhaafay, Militariga Mareykanka ayaa shaaciyay in Weerar ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku Dileen in ka badan 150 Dagaal yahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, inkastoo hadalkaasi ay gaashaanka u daruureyn Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.