Mareykanka oo War Cad Kasoo Saaray Hogaamiye Sare oo Ka Tirsan Shabaab oo Dhawaan La Dilay Magaciisa iyo Jagadiisa

0
223

Washingtong(INO)-War qoraal ah oo goordhow kasoo baxay waaxda Difaaca mareykanka,ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Duqeymihii ka dhacay degaanka Diinsoor ee gobalka aay lagu Khaarijiyay Horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab.

Waaxda ayaa sheegtay in geerida Horjoogahaasi lagu magacaabo Aadan garaar ay hubiyeen waxa ayna sheegen inuu ka danbeyey Werarkii Sanad kahor ka dhacay Xarun laga dukaameysto oo lagu magacaano Westgate Mall oo kutaala magaalada Nairobi.

Aadan Garaar ayey Waaxda Difaaca mareykanku leyihiin Waxa uu kujiray Dadkii ku dhintay werar duqeyn ah oo 12-kii bishan lagu qaaday gawaari mareysay nawaaxiga degaanka Diinsoor ee gobalka Baay.

Dowladda Maraykanka ayaa ku sheegtay dilka Garaar in uu niyad jab ku yahay Xarakada Al-shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dowlada Obaama ayaa intabadan waxa ay weraro gantaalo ah sanadihii lasoo dhaafay ka fulisay gudaha Somalia kaasi oo ay ku dhinteen Xubno uu ka mid ahaa hogaamiyihii Alshbaab Axmed Cabdi godane.

Marka laga reebo hadalkan kasoo baxay Waxdaa difaaca u qaabilssan mareykanka ayeysan jirin war kasoo baxay dhinac alshbaab oo jawaab u ah Warkan uu soo saaray mareykanku.

Maraykanka ayaa taageera Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka wada howlgalk AMISOM iyo sidoo kale dowladda Federaalka ah.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here