Mareykanka oo ku hanjabay in uu xiriirka u jarayo Russia

0
190

Washington(INO)- John Kerry, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa hanjabaad ku aadan in uu xiriirka kala dhexeeya dowadda Ruushka ee arrinta Suuriya uu jrayo hadii aysan dowladda ruushku si deg-deg ah u joojin weerarada ay ka wado magaalada Xalab.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in mr. Kerry uu dhiggiisa dalka Ruusha  Sergej Lavrov uu arbacadii taleefan kula hadlay, isagoona waqti u qabtay joojinta duqeymaha.

Mr. Kerry ayaa aad uga walaacsan weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Suuriya oo taageero xagga cirka ah ka helaya dowladda Ruuskha ay weerareen isbitaalo iyo keydka biyaha magaalada Xalab.

Labada dhinac ayaa isku eedeynaya in midba midka kale uu ka dambeeyo cuuriyaaminta wadashaqeynta arrinta Suuriya, waxaana ay labada dhinac kala taageerayaan garabyada isku haya Suuriya.

Arrintan ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ciidamada dowladda Suuriya oo taageero xagga cirka ka helaysa Ruushka ay weerar saf ballaaran ku qaadeen magaalada Xalab oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka uu Mareykanku taageero.