Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin cusub oo lagu sameeyay xaalada degdeg ee uu horay Mareykanka ugu soo rogay Soomaaliya sanadkii 2010.
Xaalada degdega ee lagu soo rogay Soomaaliya ayaa lagu sheegay iyadoo wali ay jiraan qatarta falalka ka dhanka ah Amniga, sida burcad badeeda, argagixisada, rabshadaha, taasoo la sheegay inay qatar ku yihiin Amniga Qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Mareykanka ayaa sanadkii 2010 soo rogay xaalado degdeg ah, iyadoo la raacayay xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogay Soomaaliya , dhoofinta dhuxusha ee ay maalgelinta u helaan Al-Shabaab iyo xaaladaha rabshadaha ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.
Muddo kordhintan xaalada degdega ayaa la sheegay inay sii socoto wixii ka dambeeya illaa 12 April ee sanadka 2018.
Dhowr jeer oo hore ayaa Mareykanka kordhinayay xaalada degdega ee uu ku soo rogay Soomaaliya.