Dhageyso VOA: Mareykanka oo Feejignaan ka Gelaya Weerarro ay Al-shabaab ku Hanjabtay

0
221

Minnesota (INO) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka Jeh Johnson, ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadda ka soo baxday Al-Shabaab oo ku baaqday in la weeraro Suuqyada ku yaalla waddamada reer Galbeedka.

Teaser Image Mareykanka oo Feejignaan ka Gelaya Weerarro ay Al-shabaab ku Hanjabtay

Xoogagga Amaanka ee dalkan Maraykanka ayaa qaaday talaabooyin ay ku adkeynayaan amniga goobaha ganacsiga ee dalka, ka dib hanjabaad toddobaadkan ka timid Alshababka Somalia.

Al-shabaab waxaa ay ku hanjabtay inay weerari doonto Goobaha Ganacsiga ee waaweyn ee dalalka reer Galbeedka, Waxaana ay si Gaar ah u carrabaabeen goob ganacsi oo ah ta ugu weyn Woqooyiga Maraykanka oo lagu magacaabo Mall of American. Goobtan ayaa ku taalla gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.

Mall of America ayaa la dhigay ciidamo fara badan oo isgu jira kuwa labisan iyo kuwa dharcadka ah, waxeyna joogaan gudaha iyo wadooyinka soo gala xarruntaas ganacsi.

Xarruntaan ayaa waxey ka kooban tahay in ka badan 500 dukaan oo waaweyn, waxaana ka shaqeeya in ka badan 12,000 oo ruux oo 100 ilaa 150 ka mid ah yihiin Soomaali, sida uu sheegay C/raxmaan Diiriye Nuur oo ah Wariye Madax-banaan kana shaqeeya Mall of America.

Alshabaab ayaa Sanadkii 2013-kii weerar dhiig badan daadiyey ku qaadday Xarrunta Ganacsiga Westgate ee dalka Kenya, waxeyna halkaas ku dileen ilaa 67 ruux.

Idale News  Online,  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here