Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ku dilay sarkaal al-Qaacida ka tirsan

0
199

WDC(INO)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradahooda bilaa duuliyaha ah ay Suuriya ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida, kaasoo hore uga soo hawl galay Afgaanistaan.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka, Peter Cook, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Abu Afghan Al Masri, wuxuuna intaa ku daray in Jimcihii lagu dilay meel u dhow Sarmada oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Suuriya.

Mr Cook wuxuu sheegay in sarkaalkaas oo Masar u dhashay uu xiriir la lahaa koox Maraykanka iyo xulafadiisa ku weerartay Afgaanistaan, iyo qolooyin kale oo maleegayey weerarro ka dhan ah reer galbeedka.

Idale News Online, NY