Mareykanka Oo Doonaya In Loo Soo Gacan Geliyo Saraakiishii FIFA Ee Loo Xiray Musuq Maasuqa

0
233

Washinton(INO)— Dowladda Mareykanka ayaa ka codsatay Switzerland inay u soo gacan geliso todobo ka mid ah Saraakiishii u sareysay Hey’adda Kubadda Cagta Adduunka FIFA ee bishii May loo xiray eedeymaha la xiriira musuq maasuqa.

Codsiga uu Mareykanka ku doonayo in todobada xubnood ee FIFA ka tirsan loo soo gacan geliyo ayaa maalintii shalay loo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda Switzerland.

Saraakiishan iyo qareenadooda ayaa sidoo kale waxaa laga doonayaa inay racfaan ka qaataan, haddii dalabkaas ugaga jawaabaan muddo 14 maalmood, waxaase kaga yaabaa in waqti kordhin loo sameeyo.

Wasaaradda Cadaaladda Switzerland ayaa heysata 14 maalmood, si ay uga jawaabaan codsiga, waxaana hadii ay racfaan ka qaataan ay qaadaneysaa muddo bilooyin ah in saraakiishan loogu gacan geliyo Mareykanka.

Booliska Switzerland ayaa bishii May xabsiga dhigay illaa 14 xubnood ka tirsanaa Saraakiisha FIFA, kadib markii lagu soo eedeeyay inay qaateen lacago laaluush ah mallaayiin doollar ah.

FIFA

Fadeexada FIFA hareysay ee dhinaca musuq maasuqa ah ayaa soo jiitameysay bilihii u dambeeyay, waxaana taasi keentay inuu isku casilo Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter oo hadda xilka sii heynaya, inta uu xilkaas la wareegayo Hogaan cusub.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here