Riqqa(INO)- Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa waxa ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al’qaeda oo ku sugan dalka Syria iyo ururka Daacish oo asna ku sugan wadanka Libiya weeraro ka dhacay waxaa lagu dilay ku dhawaad 200 oo hubeysan oo ka tirsn Ururadaas sida ay sheegtay wasaaradda gaashaadhigga ee dalka Maraykanka.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa maalintii ugu dambeysan ee talada madaxwyne Brack Omaba uu ku wareejinaayay xilka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Dnald Trump.
Wasaaradda gaashaadigga ee Maraykanka ayaa waxay sheegtay in waxaan ka yareen 100 dagaalyahanno hubeysan oo ka trisn Al-qaeda in lagu dilay wadanka Syria laguna dilay weeraro diyaaradaha Doroneska Mareykanka ay ka geesteen xero Tobabar oo Al-qaeda ay ku leeyihiin waqooyi bari ee Syria.
Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaadigga Mareykanka oo lagu magacaabo Dives ayaa ka hadlay weeraradada ka dhacay Syria waxa uuna yiri “ weerarada cirka ah waxay ka dhaceen xaafadda Idlib waxaana lala beegsaday xero tobabar oo Al-qaeda ay ka sameeyeen halkaas sanadkii 2013kii “
Weeraradaan ayaa waxay imaanayaan xilli ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Marakanka ay beegsadeen xubno ka tirsan ururka Daacish oo ku sugnaa wadanka Libaya halkaas oo lagu dilay dagaalyanno dhan 80- 90 ka tirsn Daacsih weeraradaas oo ka dhacay magaalo xeebeedka Sirta ee dalka Libiya.
Amarrada lagu diley dagaal-yahannada Daacish iyo Al’qaa’ida waa kuwii ugu dambeeyay ee uu bixiyay madaxweynahii hore ee Mareykanka Brack Obama oo la sheegey in uu u aarey qunsul horey looga diley Liibiya.
Idale News Online, Raqqa