Mareykanka oo adkeeyey visaha la siiyo dadka asal ahaan Soomaalida ah ee haysta jinsiyadaha dalal dhowr ah…

0
198

Washington (INO) – Waaxda  Arrimaha Gudaha & Amniga ee dalka Mareykan (Department of Homeland Security) ayaa waxay xanibaad adag ku soo rogtey dadka asal ahaan ka soo jeeda seddex dal oo kala ah Somalia, Libya iyo Yemen ee iyagu haysta dhalashada ama degan 58 dal oo horey si dhib yar ama fiiso la’aan ku imaan jiray dalka Mareykanka.

Sharcigaan cusub ee uu aqalka hoose ee congress dalka Mareykanka ansixiyey  khamiistii la soo dhaafey ayaa waxuu ka dhigan yahay in Soomaali kastaa oo haysta dhalashada dalka ka mid ah yurub, Australia, Asia kuwaasoo haddii ay 5tii sano ee la soo dhaafey safar ku tageen wadamada Libya, Yemen iyo Somalia ay adkaan doonto in loo sahlo dalku galka ama fiisaha Mareykanka, waxaana waaxdu sheegtey in dadkaasi ay tahay inay visa dalbadaan, isla markaasna sugaan muddo aan la cayimin ama process  gaar ah oo lagu xaqiijinaayo codsigiisa, waxaana sidoo kale raaca in codsi kastaa la raacinaayo 160US$.

Go’aankaan ayaa yimid maalmo ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir caalami ah oo ka dhacey magaalada Munich ee dalka Jarmalka isla markaasna looga hadlaayey amniga guud ee dunida ka sheegay in ururka xaqjirka ah ee dalka Nigeria ee  Booko Xaaraam lagu tababaro gudaha dalka Somalia ka dibna ay dhibaatooyin ka geystaan dalal ka mid ah dunida. Hadalkaasi Madaxweyne Xasan ka jeediyey isla markaasna uusan Madaxweynuhu ka fiirsan siyaasad ahaan saameynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku yeelan karo ayaa soo dedejiyey go’aanka dowlada Mareykanka qaadatey, waxaana sidoo kale dad badan oo Soomaali ah  oo degan dalka Yurub, Australia iyo Asia si fududna ku imaan jiray Mareykanka ay markaan adkaato  in ay deg deg ku helaan fiisaha Mareykanka haddii ay 5tii sano ugu dambeysey ay tageen dalal dhowr ah oo Somalia ka mid tahay.

Source New York Times:

Idale News Online