Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa abaal marin gaaraysa 3 milyan oo doolaar ugu yaboohday ciddii keenta macluumaad horseedda in la soo qabto maxkamadna la hor keeno 3 nin oo ka tirsan kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee xiriirka la leh al qaacida waana al shabaab 1Wasaaradda ayaa lacagtan dul dhigtay sadexda nin oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Jacfar, iyo Yaasiin Kilwe.
Cabdiqaadir oo loo yaqaano Cikrima ayaa sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku sheegtay waxaa uu dhashay sanadkii 1979kii, waxaana uu ku dhashay dalka Kenya, waxaana uu laayay saddex farood oo gacantiisa bidixda ah, Wasaaradda ayaa ku eedaynysa in uu soo qoro dhalinyarada Kenya ee ku biiraysa al Shabaab.
Ninka kale oo lagu magacaabo Jacfar oo sidoo kalena loo yaqaano Cammaar, ayaa ah ku xigeenka Cikrima, waxaana muuqaalkiisa lagu tilmaamay in uu laayahay mid ka mid ah indhihiisa.
Qofka sadexaad oo lagu magacaabo Yaasiin Kilwe ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay tilmaantay inuu yahay amiirka ururka al Shbaab ee Puntland, waxaana xilkaasi u magacaabay hogaamiyaha sare ee al Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Idale News Online, USA.