Maraykanka oo ka Hadley duqeyn ay ka Geysteen Gobolka Shabeelaha Hoose.

0
219

Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay duqeyn cirka ah oo ay ka geysteen dalka Soomaaliya maalinamadii shalay, iyagoo sheegay inay la eegteen hogaamiye sare oo isku xera Alshabaab iyo Al-qaacida, waxaana sidaasi Reuters u sheegay masuuliyiin Milatariga Mareykanka ka tirsan.
Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday koofurta Soomaaliya, iyagoo aan bixin faahfaahin intaasi sii dhaafsiisan, mana aysan sheegin ruuxa ay la eegteen iyo inay ku guuleysteen iyo inkale.

Masuuliyiin kale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay meel ku dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo Alshabaab ay ku xoogan yihiin.

Degmada Baraawe oo ah magaalo xeebeed Alshabaab ay ku sugan yihiin waxaa Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay weerar lagu fashilmay oo lagu doonayay in lagu dilo nin lagu magacaabo Cikrama.

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dagaal kooban uu dhexmaray ciidamadii American-ka ahaa iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, waxaana uu ahaa weerar ay ku fashilmeen ciidamada Mareykanka.

Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ayaa Alshabaab deegaano dhowr ah kala wareegay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay wali ku sugan yihiin degmooyin kale oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka waxaa Muqdisho ka joogo ciidamo tiro yar oo ay sheegeen inay yihiin lataliyeyaal caawinaya AMISOM.

Duqeyn

Idale News Online