Maleeshiyada Al- Shabaab Oo khaarijisay Laba Ruux Oo La Eedeeyay

0
409
Xaradheere (INO)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ku toogtay laba ruux oo ay ku eedeeyen gacan ku dhiiglayaal.

Maleeshiyaadka ayaa sheegay in labada ruux oo ay maanta toogteen ay dilal ka geysteen deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug, sidaa aawgeedna ay waafajiyeen waxa uu sharciga ka qabo gacan ku dhiiglayaasha, sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab iyo Odayaasha deegaanka ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen cidii qof shacab ah dil ugeysata in la toogan doono.

Dadka deegaanka ayaa usoo daawasho tagay toogashada waxaana goobta ka hadlay Saraakiil ka tirsan maleeshiyada oo ku goodiyay in cidii dil geysataa ay wadadaasi marin doonaan.

Labada ruux ay maleeshiyadu toogatay ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa:

1-Cabdixafiid Dhuxul Cabdulle oo 22 jir ah.

2-Cabdi Muuse Xeyle oo 25 jir ah.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale, sheegay in goortii ay labadani ruux dilka ka geysteen deegaanka Warshubo ay u baxsadeen deegaan hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo lagu Magacaabo Gadoon halkaasi oo laga soo qabtay.

Geesta kale, maleeshiyada Al-shabaab ayaa toogashadaasi ku sheegay in ay ahayd mid Qasaas ah oo loogu ciqaabayay labada nin dilal ay rag kale u geysteen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.