Malaysia oo lacag loogu tala-galay gurmadka deg dega ah ku wareejisay RW ku-xigeenka Somalia

0
206

Kuala Lumpur (INO) Dowladda Malaysia ayaa billowday mashruuc deg deg ah oo lugu caawinayo Soomaaliya,kaddib abaar daba-dheeratay oo dalka ka taagan tan iyo sanadkii 2014.

Boqollaal ruux ayaa macaluul ugu dhimanaya Soomaaliya,halka kuwa kalana ay ku cayroobeen abaarta saameynteeda ay ku fiday dalka oo dhan,Dowladda Soomaaliya ayaana saacad walba sheegaysa inay ballaaran-karto khatarta ka dhalan karta deegaannada ay abaarto ku dhufatay.

Ra’iisul wasaaraha Malaysia,Najib Razak ayaa lacagtii ugu horreeysay ugu deeqay Soomaaliya,wuxuuna shalay si rasmi ah ugu wareejiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte oo booqasho ku jooga Malaysia lacag gaaraysa (RM444,800) oo u dhiganta 100.000$ doollar.

BBBBBBB

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Malaysia ayaa lugu daahfuray dadaallada ay dowladda Malaysia ku dooneyso in lugu caawiyo Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka qaybgalay,wasiirro ka tirsan dowladda Malaysia ,safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga Malaysia,Abukar Abdi Osman iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Malaysia ayaa toddobadkan ku dhawaaqday si deg deg ah inay uga qayb-qaadanayso gurmadka la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee gudaha Soomaaliya.

Malaysia waxaa booqashadii ugu horreeysay ku jooga ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte -Asagoo wada-hadallo la qaatay madax ka tirsan dowladda Malaysia oo ay arrimo badan ka wada-hadleen.