Buurhakaba(INO)- Malaaq Yuusuf Cabdiyoow oo ah Malaaqa Beesha eelay ayaa Maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Malaaqa ayaa shirkaasi ugu hadlay dil maanta ka dhacay degmada Buurkaaba ee Gobalka Bay, dilkaasi oo loo geestay Marxuum eeyloow oo ka mid ahaa ciidan dhawaan tababar loogu soo xiray degmadaasi.
Dilka Marxuumka ayaa yimid ka gadaal markii ay isku dhaceen Maamulkii hore degmada Buurhakaba iyo midka hada loo soo magaacabay oo dadka deegaanka aad ugu soo horjeedaan.
Malaaqa ayaa ugu horeyn Masuuliyinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed dusha ka saaray wixii Maanta Halkaasi ka dhacay maadama dadka deegaanka ay diideen Maamul dhawaan ayagoona raali ka aheyn la dul keenay dadka Degmada Buurhakaba.
Malaaqa ayaa sheegay in dhawaan shir dib u heshiisin 18 ka bishaan lagu qaban doono degmada Buurhakaba oo ay ka soo qeyb geli doonaan sadaxda buurood isaga oo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fogaadan wixii degmada Buurhakaba u keeni kara xasilooni daro .
“Maamulkii horey loogu dhawaaqay waxba kama jiro dadka deegaanka ayaa mid cusub soo dooran dooona sidaasi waxaa yiri Malaaqa oo sheegay in rabitaanka shacabka la tex galiyo lagana fogaado wax kasta oo qilaaf horseedi kara”
Ugu dambeyntii, Maal-mihii ugu dambeysay ayaa waxaa Degmada Buurhakaba ka soconayay dibadbaxyo rabshada wato oo lagu diidana Maamul halkaasi wasaarada arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowlada Koonfur Galbeed u magacaawday ayadoo ugu danbeyn sababay qasaaro dhimasho.
Wariyes Sidii Cali Muuse,Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo