Malaaq Shiino “Waxaa Gabagabo inoo Ah Shirka Dhisida Maamulka Koofur Galbeed”.

0
191

Odayaasha ka soo jeeda gobolada KG soomaalya  ee ku howlan dhismaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan loo gudbi doono wejigii ugu dambeeyay ee shirka lagu dhisaayo maamulkaasi ee Baydhabo ka socda.
Malaaq Cali Cabdi Raxmaan Shiino ayaa u sheegay warbaahinta in hadda ay kasoo gudbeen marxaladihii dib u heshiisiinta, iyo furitaanka shirkan, ayna wajihi doonaan wejigii ugu dambeeyay ee dhismaha maamulkan.
Sidoo kale Malaaqa ayaa sheegay in Wufuud ka tagtay magaalada Muqdisho ay iminka ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo qeyb ka ah dhisida maamulkaas.

Sanadkaan cusub madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka Baydhabo ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirkaas ayna bogaadinayso dowladda in shacabka Somaaliyeed ay isku yimaadaan oo ay tashadaan, balse loo baahan yahay inaan lagu mashquulin burburinta wixii horay u dhisnaa ee loosoo jeesto dhismaha maamullada kale ee dalka oo uu ula jeeday Maamulka Jubba ee Ka jira Kismaayo.

malaaq shiino

Idale News Online, Baydhabo