Dib u dhac ayaa ku yimid kulan la qorsheynaye inuu maanta ka dhaco Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, kaasi oo looga hadlaye arimaha ku aadan maamul usameynta Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.
Dib udhaca shirka ayaa waxaa xaqiijiyay Malaaq Shiino oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee shirkaasi ku howlanaa muddooyinkaan dambe.
[audio:http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-MALAAQ-SHIINO-OO-KA-HADLAY-BAAQASHADA-SHIRKA-.mp3]Malaaq Shiino ayaa wuxuu sheegay in sababta kulanka uu ubaaqday ay tahay in la sugayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka imaanaya dhanka Magaalada Muqdisho si ay kulanka uga qeybgalaan.
16-Bishan ayuu yahay qorshaha in dib loo furo kulanka maamulka loogu sameynayo Gobalada koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya sida uu malaaq Shiino Risaala uxaqiijiyay.
Idale News Online