Malaaq Shiine oo Jawaab Kulul siyeey Madaxweyne Xasan sheekh Maxay Tahay Jawaabta ?

0
165

Afhayeenka Shirweynaha maamul goboleedka loogu sameynayo gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya Malaaq Cali C/raxmaan (Shiine) ayaa jawaab kulul ka bixiyeey Hadal kasoo yeeray Madaxweynaha soomaliya Xasan sheekh Maxamuud kaas oo ku aadana Shirka Baydhabo kasocda.

Afhayeenka ayaa marka Hore ka hadlay halka uu marayo shirka Maamulka loogu samaynayo gobalada Koonfur Galbeed soomaliya,wuxuu shegay malaaqu in meel wanaagsan wax u marayaan.

Malaaq shiine ayaa Jawaab kulul dhagaha kaga Garaacay Madaxweynaha Dowlada Federaalka soomaliya Xasan sheekh Maxamuud Taas oo ahayd in shirka Baydhabo kasocda Maamul Sadex gobal ka kooban logu samaynayo gobaladaas oo kala ah Bay, Shabeelaha Hoose iyo Bakool.

Malaaq shiine ayaa shegay in ay samaysanayaan Maamul ka kooban 6 Gobal,isagoo shegay in aysan Aqoonsanayn Maamulka Jubba,madaxweynaha ayuu shegay in kaligii ay Qusayso Hadalka kasoo yeeray waxana uu shegay in umada gobaladaas ay wada tashi yesheen kuna heshiyeen Maamul ka kooban 6 gobal.

malaaq shiino

Idale News  Online xafiiska warqadka Gobolada KG soomaaliya, Baydhaba.