[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/Augustine-Mahiga.mp3]
Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku eedeeyey musharixiinta iyo oday dhaqameedyadaba inay ku samaynayaan musuqmaasuq habka xulida xubnaha baarlamaanka.
Mahiga ayaa ku eedeeyey madax ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ka mid ah musharixiinta in ay musuq ka samaynayaan soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub.
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isagoon carabaabin waxa uu sheegay in madaxda Soomaalida ee isa soo sharaxay ay yihiin kuwo musuq ka wado sidii loogaga gudbi lahaa xilliga kala guurka.
Sidoo kale Mahiga waxa uu sheegay in aysan iyaga kaliya ku ekeyn musuqmaasuqa balse waxaa jirta in odayaasha dhaqanka ay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa la sheegay in uu ka socda sidii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka.
Danjire Mahiga waxa uu isagoo la hadlayay idaacada Bbcda sheegay in aysan hadda jirin guddi doorasho balse dadka ku kaca falalka musuqmaasuqa aan laga hari doonin oo mustaqbalka la baari doono isla markaana la saari doono cunoqabatayn.
Warkan ka soo yeeray danjire Mahiga ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo dhowaan ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ay soo saareen Jimcihii la soo dhaafay qoraal ay ku sheegeen in tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaadka musuqmaasuqa ku haya xulista baarlamaanka Soomaaliya.
Illaa iyo hadda eedeynta uu soo jeediyey Mahiga ayaan jirin cid ka jawaabtay balse waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaalo badan oo ay wadaan siyaasiyiinta qaar doonaya in ay helaan xubinimo baarlamaan halka siyasiyiin kale ay jecel yihiin inay noqdaan musharixiin.
Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxayay musharixiin badan oo doonaya in ka mid noqdaan dadka u tartamaya jagada ugu sareeysa dalka Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com