[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/codka-shacabka1.mp3]Wareysi uu Ergiga gaarka ee Somalia Ambassador Mahiga siiyey Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegey in codka shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa na ogeysiiyey inuu jiro masuqmaasuq isla markaasna ah kuwa kaliya ee nagu caawin kara inaan la dagaalano oo aan wax ka qabo masuqmaasuqa jira maadaama aysan jirin hay’adda dhanka cadaalada iyo weliba kuwa doorashooyinka toona. waxuu Mahiga sida kaliya ee looga hortago masuqmaasuqa baahsan in wada shaqeyn dhex marto shacabka iyo hay’adaha dowliga in arrimaha wax is dabamarinta kor loo maqlo.
Sida kale waxuu sheegey in codka shacabku uu ku caawiyey in odey-dhaqameedyada dib loogu celiyo in ka badan 60 xildhibaan oo dhamaantooda aan soo buuxin sharuudaha looga baahnaa oo ay uga mid noqon lahaayeen barlamaanka cusub sida heerka aqoonta xildhibaanka oo ugu yaraan laga doonaayo inuu haysto ilaa dugsi sare, kootada ama numberka haweenka ee barlamaanka iyo weliba inuusan xildhibaanku wax lug ah ku laheyn dagaal ooge-nimo ama dambi.
Xubno guddiga farsamadu sheegeen ineysan heerkooda aqooneed sugneyn iyo qaar shacabka Soomaaliyeed u yaqaanaan hogaamiye kooxeedyadii Somalida ayaa la sheegayaa iney seeftu qaadey, laakiin odey dhaqameedyadoodu ay weli ka caga jiidayaan iney bedelkooda keenaan. taasoo caqabad ku noqotey in la soo dhameystiro 275 xubnood ee barlamaanka dabadeedna la qabto doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo ka dibna tan Madaxweynaha ugu dambeyn bishaan August 20keeda, arrintaasi oo hadda u muuqata mid aan suurtogal aheyn.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyada Macalin Axmed siyad_maclin@hotmail.com