Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.
Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya ilaa 6 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-
1.Jeylaani Nuur Iikar.
2.C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
3.Faarax Sheekh C/qaadir.
4.Khaalid Macow C/qaadir
5.Saciid Xuseen Ciid.
6.Khadiija Maxamed Diiriye.
Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayeen ilaa 4 Musharax, waxaana ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii Labaad la doortay.