Magacyada iyo Sirta Xildhibaannada Axmed Madoobe Uu u Wakiishay Bur-burinta Dowlada KGS

0
285

Baydhabo(INO)-Waxaa muddooyinkan danbe soo ifbaxay xildhibaano olole siyaasadeed ka wada Gobolka Bakool oo cadaadis ku haya Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo ay isku beel ka soo jeedaan hogaamiyaha Juba Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

juba2 2

Xildhibaanadan oo qorshahoodu yahay inay Madaxweyne Shariif Xasan iyo Dowladiisu ku abuuraan qas siyaasadeedka ugu culus xilligan oo la dhisayo Baarlamaanka Dowladda Koonfur  Galbeed Soomaaliya, wuxuu qorshahoodu yahay inay Madaxweyne Shariif Xasan iyo Dowladdiisu ciriiri geliyaan, isla markaana ay culeys ku saaraan dhinaca Urur Goboleedka IGAD, Itoobiya iyo dowladda Federaalka Ee Soomaaliya.

Xildhibaanadan waxay Axmed Madoobe u hayaan shaqo ah inay ka fujiyaan culeyskii uu Madaxweyne Shariif Xasan saaray, waxayna arrintani u muuqataa mid aarsi siyaasadeed ah,Inkastoo Madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe isku arkeen caleemo saarkii kan dambe ee ka dhacay magaalada Kismaayo, haddana ma jirin wax is-afgarad ah oo ay gaareen, waxaana howsha la wareegay xildhibaanada qas-wadayaasha ee ay ugu horeeyaan:

  •  Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif
  • Xildhibaan Axmed Aabi Aadan
  • Xildhibaan Maxamed Iidle Xerow

Sawirrada hoose waxay muujinayaan xildhibaanada wada ololaha ka dhanka ah Dowladda  Koonfur Galbeed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo dhowr jeer ah isaga daba noqday Ceelbarde, waxaysea xaaladu u eg tegay mid beel ahaan u abaabulan oo ah “Ku qabso Ku Qade Meyse”

juba2 (1)

C/waaxid Ugaas Khaliif wuxuu hore u soo noqday wasiir iyo ra’iisal wasare ku xigeen, wuxuuna saaxiib aad ugu dhow la yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas. Dadka qaarkii waxay ku tilmaamaan safiirka C/weli Gaas y u jooga Muqdisho. Inkastoo uu yahay nin af gaaban haddana wuxuu hormuud ka yahay qaska hadda socda ee Ceelbarde, waxayna heyb ahaan isu dhow yihiin Axmed Madoobe.

Xidhibaani Axmed Aabi waa mid ka mida xildhibaanada ugu afka dheer ee taageera Axmed Madoobe wuxuuna la wareegay xilkii C/rashiid Xiddig ee difaaca maamulka Jubba iyo hogaankiisa. Wuxuu ka dhex muuqday isaga iyo C/waaxid Ugaas Video ay xildhibaano sheegay inay Daarood yihiin ku sheegeen inay leeyihiin kala bar gobolka Sh/hoose, Bakool ay saddex degmo ku leeyihiin, isla markaan degaan balaaran ay ka degaan Baydhaba.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here