xudurWararka la imaanaya magaalooyinka ay dhawaantan la wareegeen ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ee koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa la sheegaya in dadka caadiga ay ka carareen.
Ciidammada AMISOM ayaa sheegay in ilaa haatan ay qabsadeen shan magaalo oo ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.
Waxay ilaa haatan qabsadeen magaalooyinka Rabdhuure, Waajir, Xudur iyo Buurhduubo.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in “duullaanka Itoobiya” uusan ka duwanayn kii dhacay sandkii 2006-dii, xilligaas oo ciidammada Itoobiya ay xukunka ka tuureen maxkamadihii Islaamiga.
Ciidammada Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka degan magaalooyinkaas inay la shaqeeyaan ciidanka sugaya ammaankaCiidammada Itoobiya ayaa ku biiray AMISOM dhowr toddobaad ka hor.
Waxay haatan qaadeen weerarkii ugu ballaarnaa tan iyo markii ay ku biireen AMISOM.
Hasa ahaatee, Prof Cabdi Daahir, oo wax ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in xilli xun lagu soo beegay weerarka.
Waxaa uu leeyahay Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xilli kulul oo ay gabaasi yihiin baadka iyo biyaha.
Idale News online, Xudur.