Magaalada Kismaayo oo qarka u saaran iney u gacan gasho ciidamada huwanta ee Kenya iyo kuwa Dowlada Somalia

0
211

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa maanta uu ka jiraaa jawi ka duwan kii hore, oo ah in uu san ka jirin maanta wax maamul ah kadib markii ururka Alshabaab ay isaga baxeen.

Inkastoo ay xaaladu hada degentahey ayaa hadana shacabku ay aad uga walwalayaan waxa dhici doona iyadoo waxaana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamo aan sidaa u badneyn oo ka tirsan Alshabaab iyadoo dhaqdhaqaaqa Ganacsi uu ka jiroo meelaha qaar oo aan sidaasi u sii badneyn.

Saldhigyada magaalada ayaa waxaa lagu arkayey ciidanka ay Shabaabku uyaqaanana Xisbada oo aan sidaasi u badneyn iyadoo isusocodka gaadiidkuna gudaha magaalada aaney sidaasi ugu badneyn.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HorseedMedia u sheegey in ay magaaladu faaruq tahey oo aysan ka jirin wax maamul ah dadkuna ay cabsi xoogani la soo daristey oo dadka qaar ay ka barakacayaan magaalada halka inta kalena ay la socdaan xaalada sida ay isu bedeli doonto.

Waxaa uu intaasi ku darey in ay xeebta magaalada Kismaayo ay soo buuxdhaafiyeen maraakiibta dagaalka oo siweyn looga maqlayo guuxa diyaaradaha inkastoo aysan sameyneyn wax duqeyn ah hada.

Shaley ayeey aheyd markii xarakada Alshabaab ay hawada ka saareen idaacadii Al-Andalus ee shabaabku iska lahaayeen oo ku taaley magaalada Kismaayo,iyadoo sida la sheegey ay qalabkeedii ka rarteen.

Ciidamada Huwanta ah ayaa kaabiga ku haya magaalada Kismaayo iyagoo sheegey in ay darsayaan xaalada oo iyo waliba qaabkii ay u gali lahaayeen magaalda Kisamaayo iyagoo sheegey in aysan jirin cid ka hortaagan iney galaan magaalada ayna saacadaha soo socda ay filayaan iney gudaha u galaan Kismaayo.

Mudooyinkii u danbeeyey ayeey ciidamada huwanto ay wadeen dagaalo cirka,dhulka iyo Badaba ay kaga wadeen Xarakada Alshabaab oo ay doonayeen in ay ku qabsadaan magaalo xeebeedka Kismaayo,iyadoo ay hada kaabiga ku hayaan ayaa waxaa dadku isweydiinayaan sababta ay Alshabaab u baneeysey in ay ka wado xeelada dagaaal maadaama ya aheyd magaalo muhiim u aheyd ururka Alshabaab.