Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagu toogtay askari ka tirsan Ururka Raaskambooni, oo maanta askari kale ku dilay Magaalada Kismaayo.
Askariga dilka geystay ayaa wuxuu askariga kale uu ku dilay Saldhiga Magaalada Kismaayo, iyadoo isagiina lagu toogtay isla Saldhiga Magaalada Kismaayo.
Labada askari ayaa waxaa maanta halmar lagu wada aasay Khabuuraha Magaalada Kismaayo, waxaana aaskooda ka qeyb galay Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo.
In askarigaan isla maanta la toogto ayaa waxaa loo arkay xal wanaagsan, maxaa yeelay waxaa maal mahaanba Magaalada Kismaayo ka taagnaa arrimo siyaasadeed, oo kala qeybiyay dadka reer Kismaayo.
Shacabka reer Kismaayo ayaa waxay si xoog leh ay isugu khilaafsan yihiin shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo, waxayna dadku siyaabooyin kala duwan ay uga warbixinayaan, halka uu si waafi leh uga socon la’yahay shirkaan.
Idale News Muqdisho