Magaalada Baydhabo Oo Maanta Laga Furey Xisbi Siyaasadeedka Hal &Nirig

0
313

Baydhabo(INO)Xaflad lagu Furaayey Xisbi layiraahdo Hal&Nirig oo Maanta laga furey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Xisbi Siyaasadeedka ayaa waxaa ku jira Aqoonyahano iyo Ganacsatada ka socatey Gobalada Koonfureedka Ee Soomaaliya Xisbigaas ayaa noqanaya Xisbigii ugu horeeyey ee ay yeelanayaan Gobalada koonfureed .

idiris

Xaflada lagu Caleema saarayey Gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar ayaa waxaa hadal ka jeediyey Siyaasiga weyn  Maxamed Aaadan Qalinle isagoo sheegey in ay tahay talaabo aad u fiican.

waana soo dhaweynaynaa Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliaya ee sameeyey Xisbi Siyaasadeedka Hal iyo Nirig , waxuuna ka codsadey in dhamaan Gobalada Soomaaliya laga Furo Xisbiga Hal iyo Nirig.

Gebagebadii ayaa waxaa halkaaas ka hadley Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Hal iyo Nirig Dr. Idiris Cabdi Dhaqtar , isagoo sheegey in Ujeedada ay u sameeyeen ay Tahay in dalka uu ubaahan yahay Siyaasad kusaleysan Nabad , Sinaan iyo Cadaalad iyo in bulshada ay wax qabsadaan sida hada ay u dabooleen Baahida aasaasiga ah sida Waxbarashada , Biyaha iyo caafimaadka.

Ugu dambeyntii  waxuu kale  sheegey Gudoomiyuhu  in wadanka Soomaaliya  lakala qayb qaybsadey ayna dowlada shisheeye ka Fulinayaan Dano u gaar ah , si loogu Baxo arimahaas ayaa Xisbigan loo Aas aasey .

Idale News Online, Baydhabo

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here