Magaalada Baydhabo Janaay Oo Laga xusay Maalinta Haweenka Adduunka

0
223

Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabbaaldagay maalinta haweenka adduunka oo 8-da Maarso la xuso sanad kasta.

Xaflad lagu qabtay xarunta Hollka shirarka Ee KGS waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, taliyayaal ciidan oo ka tirsan AMISOM, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Bay, fannaaniin, ururro haween iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu xushmad ballaaran u hayo doorka haweenka Soomaalida.

Wuxuu ku ammaanay haweenka karti iyo geesinnimo muddadii lagu jiray dagaalka sokeeye, isla markaana ay ku guulaysteen abuurista rajo iyo rabitaankooda ku aaddan nabad iyo kala dambayn dalka lagu so dabbaalo.

“Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ammaanay doorka ay haweenka ka qaateen nabadda, isdhexgalka bulshada iyo dib u xorraynta deegaannada horey ugu jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.

Howlkarnimo, waddaniyad iyo nabad-jacayl ayuu sheegay inay ku sifaysan yihiin haweenka Soomaalida.

Halkan Ka Daawo.

 

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here