Baydhaba: Waxa daqiiqado ka hore wareysatey laanta Afka soomaaliga ee BBC da Godoomiye ku xigeenka gudiga hagaya maamulka Koonfur galbeed soomaaliya mudane Madoobe Nuunow maxamed, wuxuna faah faahin ka bixiyey sababta keenentey in ciidamada AMISON ay falka ku dhaqaaqaan maanta.
Mudane madoobe nuurow ayaa shegey in dhanka ciidamad Amisom ka timid falka, oo ah khalad ku yimi si lama filaan ahi ka oo dhacey ciidamo la bedalaayay iyo kuwo kale oo ku cusub goobta yimi.
sidoo kale madoobe nuunow waxa uu meesha ka saarey tuhunka laga qabey ee dowlada soomaaliya in ka dambeyso falkii maanta lagu joojiyey odayaasha dhaqanka , wuxuu tibxaay in ay la xariireen xarumaha dowlada soomaaliya, ayna ogaadeen, in aaney lug ku lahayn arintani.
godoomiye ku xigeenka ayaa intaasi ku darey wareysigiisa, in ay u yeereen madaxda ciidamad dowlada soomaaliy ee joogo baydhabo oo ugu horeeyo taliyaha ciidamada booliska col. Mahad cabdrixaan.
Ugu dambeytii ,xaalada magalada Bayddhaba ayaa ah hada mid aad u degan,waxaana loogaa hadlayaa arimo kusaabsan amaanka ergad shirka, wareysigan uu bixey madoobe nuurow ayaa uu muuqadey mid rajo weyn galinayo bulshada koonfur galbeed ee soomaaliya, oo maanta xaalad cakiran la soo daristey.
xasan basha.
Idale News Online, Baydhaba
idale News Online, Baydhaba