Madexweyne Maxamed Cabdullahi oo maanta ku sii jeeda magaalada Addis Ababa

0
189

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa ayaa ku wajahan ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, oo markii u horeysay muddo 10 sano ay xubin ka noqoneyso dowladda Eritrea.

Shirka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu saxiixi doonaa heshiis ay dib mar kale uga mid noqoneyso dowladda Eritrea, kaddib markii laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007-dii.

Colaadii u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ayaa sabab u aheyd in Eritrea ay laga takooro gobolka oo dhan, isla markaana ay isaga baxdo Ururada Midowga Afrika iyo IGAD.

Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo dib u heshiisiinta dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiga ahaa ayaa keenay in mar kale Eritrea ka soo muuqato saaxada gobolka, lana gaaro heshiis nabadeed oo gobolka lagu soo dabaalo.