Madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad oo talo fiican siiyay Shabaab hadii ay qaadanayaan.

0
222

M/weynihii hore ee DF Somalia C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii maalin dhaweyd lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Somalia.

C/qaasim ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo dhammaan dadkii ku geeriyooday halkaas isla markaana uu rajeenaayo in soo caafimaadaan dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Sidoo kale M/weyne C/qaasim ayaa ugu baaqay ururka Al-Shabaab in ay wadahadal la galaan DFSomalia si wax looga siiyo xukun dalka hadii ay doonayaa.

cabdi-qaasim-salaad-xasan-1

Dhanka kale M/weyne C/qaasim ayaa sheegay in micno daro tahay dagaalada ka socda dalka waxa uuna sheegay hadi wax kasta wadahadal lagu dhameeyo si dalka uu nabad u noqdo.

Ugu danbeyntii M/weyne C/qaasim ayaa uu sheegay in dagaalka dalka lagu dhameen karo wadahadal sidaas darteed Shabaab ayuu ugu baaqay wadahadal in ay qaataan.

Idale News Onlin.