Muqdisho(INO)- Waxaa bilihii ugu danbeeyay soo ifbaxaayay warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu culeys Siyaasadeed ku hayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Xassan Sheekh uu dhammaan Albaabada kasoo xiray Ra’isul wasaare Cumar si uu u xadido dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Cumar, waxa ayna xogtu sheegeysaa in lasoo koobay awoodaha Sharmaarke.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xassan ayaa waxaa Ra’isul wasaare Cumar lagu faray in mudada uu dalka ku jiro kala guurka uusan ku dhaqaaqi karin talaabooyinka culeyska Siyaasadeed u keeni kara Dowlada Somalia.
Xassan Sheekh ayaa waxaa sidoo kale la tilmaamayaa in Howlihii ugu muhiimsanaa ee Xafiiskiisa uu u wakiisho kaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo uu xiligaani ka diyaarsanaayo waji ka duwan kii sanadahaani ay kusoo wada shaqeynayeen.
Madaxweyne Xassan ayaa xiligaani ka didsan dhammaan madaxda dalka, waxa uuna juhdigiisa ugu badan isugu geeyay u diyaar garowga Doorashada.
Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa u taagan ka qeybqaadashada Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia, waxa ayna talaabadaani uu qaaday Xassan Sheekh ay muujineysaa in lagu jiro xiliga kala guurka.
Idale News Online, Muqdisho