Muqdisho(INO)-Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi kulan uu albaabada u xiran yahay ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Xubnaha uu Madaxweynaha kulanka la qaatay ayaa waxaa hor kacaayay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay waxaana kulanka ku wehliyay Safiirada wadamada Sweden iyo Switzerland u fadhiya dalka Somalia.
Dhinacyadaasi, ayaa waxay ka wada hadleen Barnaamijka New Deal ee hiigsiga sanadka 2016-ka. Caalamka waxa uu daneynayaa in doorasho Somalia ka qabsoomto sanadka 2016-ka.
Kulanka, ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardar-gelinta hawlaha horyaala DF Somalia oo iyadu inta sanadkaani ka harsan xooga saari doonto Hanaanka lagu meel-marin lahaa Doorashooyinka dalka.
Mas’uuliyiintaasi ayaa inta uu kulanka socday is dhaafsaday qaabka ay Dowlada Somalia ugu guulaysan karto hirgalinta hiigsiga 2016-ka iyo doorka kaga aadan dalalka iyo Hay’adaha caalamka.
Nicholas Kay ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh ku dhiiragaliyay in la tixgaliyo baaqyada Beesha Caalamka ee ku aadan ilaalinta Wakhtiga doorashooyinka Somalia.
Kay ayaa sheegay in Mudada u harsan Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay Dardar galiso Shaqooyinka horyaala oo ay kamid yihiin Sameynta Maamul Goboledyada Dalka iyo Afti u qaadista Dastuurka Qabyo qoraalka ah iyo Xasilinta Amaanka Dalka.
Waxa uu Madaxweyne Xassan ku wargaliyay inaysan aqbali doonin in DF Somalia ay ku dhiirato wakhti kororsi, waxa uuna ku taliyay in iminka laga fiirsado howlaha u harsan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa isla gartay in Doorashada Somalia ay dhacdo wakhtiga ku xusan dastuurka.