Madaxweyne Xasan”Waan Midayneynaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulada

0
216

Muqdisho(INO)-War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska madaxweynah Jamhuuriyada federalka ah ee Somalia Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa looga hadlay  msutaqbalka Somalia iyo sida lagu gaari karo ayadoo loo marayo midaynta cududa ciidan ee kajira maamul goboleedyada iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed  iyo in la iska kaashado horumarka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud

Warsaxaafadeedka ka soo baxay aqalka madaxtooyada villa Somalia oo nuqul kamid ah soo gaaray xafiiska Wararka Muqdishonews.co  ayaa lagu sheegey in isku dhafka iyo qarameynta ciidamada nocyadoodi kaladuwan oo kusugan dalka sida kuwa maamul goboleedyda aoo la qarameyo ay horseedayso in guulo lataaban karo laga gaaro yoolka dowlada somaliyeed ay hiigsanayso oo ah  hirgelinta nidaamka federaalka ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo iyo in la helo cududa ciidanka qaranka dalka somaliyeed oo  markale dib loo unko sidii lagu yaqiinay awoodii military ee dalka uu laha.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegey in shirar dhowr aho oo dalka dibadiisa ka dhacay qaarkood ay ka qeyb qaadanayaan dhiiro gelinta horumarinta dalka gaar ahaan  shirkii amanaka ku saabsann ee bishii september ka dhacay magaalada London iyo isku dhafka Ciidamadda Maamul Goboledyada iyo kuwa qaranka taasi oo ka qeyb qaadan karta ka guul gaarista nidaamka Federaalka ah ee dalka ka hana qaadaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia oo hadalkiisa sii wata aya sheegey  in ahmiyad ay dowlada dhexe siinayso dhiiri gelinta maamulada ka hana qaadaya dalka uu muujinayo in dowlada Somalia ay si weyn uga rajo qabto horumarinta nidaamka federaalka ah wuxuuna xusay in maamulka puntland , iyo maamulada kale oo haatan dhismaya sida juba, koonfur galbeed iyo maamulada loo sameynayo gobolada dhexe ee somalai   ay tijaabo rasmi ah u tahay hirgelinta nidaamka federaalka ah

Qoraalkan ayaa lagu xusay in hadii la mideeyo cududa ciidan oo ciidamada maamulada gobolada kajira iyo sidoo kale kuwa ahlusuna waljamaaca ay u aragto dowlada federaalka ah ee somali Arin wanaagsan oo Hormarka iyo soo celinta Ciidankii qaranka ka qayb qaadaneysa Madaxweynaha ayaana Arintaas soo dhaweeyay.

Idale News Online, Muqdisho