Madaxweyne Xasan “Waxaa socda howlgalladii looga adkaan la haa Al Shabaab”

0
272

Muqdisho (INO)—Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab xilliga ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan Dadka ku nool Degaanada ay gacanta ku hayaan, isagoona hoosta ka xariiqay dhawaan in Dowladiisa ay faah faahin ka bixin doonto howlgalladaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Ciidamada Huwanta ah ay ka adkaan doonaan Xarakada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Weeraro iyo Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay maalmihii la soo dhaafay Magaalooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya qaarkood.

Mdaxweyne Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Weeraradaasi oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku xoogan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta Dalka Soomaaliya, iyadoona xusid mudan in mararka qaar ay weeraro xoogan ka geystaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here